4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2019
Qaramada Midoobey oo mar kale ku celisay walaaca ay ka qabto ceyrintii wakiilkoodii Soomaaliya

 

Axad, Janaayo, 06. 2019 (HOL) –Inkastoo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres 04 bisha January uu sheegay in uu wakiil cusub u magacaabayo Soomaaliya, ayaa haddana dhinaca kale golaha Amaanka Qaramada Midoobey waxaa uu mar kale ku celiyay walaaca ay ka qabaan go’aankii dowladda Soomaaliya dalka uga saartay Nicholas Haysom oo ahaa ergeygii QM ee siyaasada Soomaaliya.

Haysom oo ah shaqsi ka soo jeeda dalka Koonfur Africa iyo qabiir Diblomaasiyadeed ayeey dowladda Soomaaliya amartay in uu dalka isaga baxo kaddib markii uu su’aal ka keenay doorashadii ka dhacday Baydhabo, xariggii Mukhtaar Rooboow iyo 15 ruux oo sida uu hadalka u dhiggay lagu dilay Baydhabo.

Goluhu waxaa uu sheegay in 2019 uu Soomaaliya u yahay Sanad xasaasi ah waxay-na ugu baaqeen hogaanka dalka in ay wadajir u shaqeeyaan si ay u horumariyaan isbadaladda Siyaasadeed iyo Amni.

“Golaha Ammaanka wuxuu aad uga xunyahay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriiray Wakiilkii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Haysom’ Wuxuuse xaqiijinayaa xushmenyta madax bannaanida Soomaaliya iyo wadajirka dhuleed iyaga oo dhiirrigeliyay in lasii dardargeliyo wada shaqeynta heer kaste ee sanadkan adag ee 2019” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Qaramada Midoobey.

Dowladda Britain ayaa qoraal ay soo saartay dhankeeda ku muujisay walaaca ay ka qabto go’aanka Soomaaliya waxayna taageero u muujisay howlgalka Qaramadda midoobay ee Soomaaliya.

Laakiin dowladda China ayaa sheegtay in waajibaadka golaha amaanka Qaramada Midoobey uu yahay in la ilaaliyo Madaxbanaanida, Aqoonsiga dhuleed, Madaxbanaanida siyaasadeed iyo midnimadda Soomaaliya,

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay mowqifkeedii ay dalka ka ceyrisay Mr Haysom oo sida ay dowladdu sheegtay ku xadgudubay nidaamka Diblomaasiyada iyo madaxbannaanida dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]