4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2019
Ciidamada dowladda oo howlgal ka wada degmada Afgooye

 

Axad, Janaayo, 06. 2019 (HOL) –Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan hwlgal ballaaran xaafaddaha degmadu ka kooban tahay.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in howlgalkan yimid kaddib markii ay degmadu ku noq noqdeen weerarrada lagu qaado saldhigyada Al-shabaab iyo dilalka qorsheysan ee degmada ka dhaca.

Qof ka tirsan dadka ku dhaqan degmada ayaa sheegay in baaritaanku yahay mid saameynaya xitaa guryahay ay dadka rayidka ah ku noolyihiin oo mid mid ciidamadu gudaha u galayaan.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla magaalada

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]