4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2019
Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka

Axad, Janaayo, 06, 2019 (HOL) - Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa goor dhow shaaciyay xubnaha ku tartamaya xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Diiwaangelinta musharrixiinta waxa ay ku ekeyd shanta galabnimo ee Axadda galabta, waxaana ugu dambeyn la shaaciyay xubnaha musharrixiinta ee buuxiyay shuruuda isna diiwaangeliyay.

21 musharrax ayaa ku tartamaya xilka madaxweynaha oo u ka mid yahay madaxweynaha hadda xilka haya ee Cabdiweli Gaas, halka 11 musharrax ay ku tartamayaan xilka madaxweyne ku-xigeenka.

Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa la qabanaya maalinta Talaadadda ee siddeeda bisha Jannaayo ka hor musharrixiinta ayaa baarlamaanka khudbad u jeedin doona, Isniinta berri ah.

Hoos ka akhri musharrixiinta la diiwaangaliyay ee guddiga uu shaaciyay;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]