4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2019
Wafdi ka socday dowladda federaalka oo loo diiday in ay tagaan Garoowe

 

Axad, Janaayo, 06, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa ay ku xayirnaayeen tan iyo saakay wafdi ka socday dowladda oo lagu waday in ay u anbabaxaan magaalada Garoowe.

Waxaa socday dadaalo ay wadeen Isimada Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan faroole oo la doonayay in loo ogolaado wafdiga dowladda Federaalka inay tagaan Garowe, hase ahaatee uu diiday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanayo C/weli Gaas
 
Wafdiga la filayay in ay u socdaalaan magaalada Garoowe waxaa ka mid ahaa Wasiirro iyo xidhibaanno ka soo jeeda deegaannada Puntland, iyaga oo halkaa u tagaya ka qebgalka iyo korjoogteynta doorashada madaxwynaha e  la filayo in maalin kaddib halkaa ka qabsoonto. 

Todobaadkii hore waxaa ka degay magaalada Garowe Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo laga soo doorto Puntland, kuwaasoo aanan ku jirin xubnaha Wasaaradda Amniga Puntland amarka ka soo saartay.

Horay musharixiinta iyo Isimada Puntland  ayaa uga hor yimid go'aanka Puntland ee mas'uuliyiinta dowladda looga mamnuucay Garoowe, hasse ahaateen maamulka ayaa mar kale ku celiyay go'aanka uu arintan ka qaatay.

Doorashada Puntland ayaa marka dul-ahaa laga eego la oran karaa waa mid xasaasi ah oo ay ku tartamayaan musharixiin dhowr ah oo dhinacyo kala duwan ku tiirsan, waxaana ka mid ah musahrixiinta madaxweynaha imika tallada haya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dowladda federaalka u arka in ay dagaal siyaasadeed kula jirto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]