3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2019
Xoghayaha difaaca dawladda Ingiriiska oo kulan la yeeshay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland

 

Axad, Janaayo, 06, 2019 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhiga Eng:Ciise Xawar iyo taliyaha ciidanka Militeriga Somaliland Gen:Nuux Taani ayaa Somaliland ku soo dhoweeyey xoghayaha difaaca dawladda Ingiriiska  Gavin Williamson oo maanta ka soo degay  garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport.

Wasiir Ciise Xawar ayaa sheegay in cid kasta oo wax wada qabsanayaan soo dhoweynayaan,isla markaana xoghayha difaaca Uk ku soo dhoweynayaan Somaliland.

 “Waxaanu dalka ku soo dhawaynaynaa Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska Mr Gavin Williamson, oo aanu wada shaqayn leenahay ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo wada shaqayn diyaar u ah, Somaliland hiigsigeedu waa qaran horumara oo la talaabsada wadamada Caalamka.”ayuu yidhi Ciise Xawar.


Xoghayaha difaaca dawladda Ingiriiska ayaan hore loo sii shaacin imaanshihiisa,haseyeeshee waxa uu la kulmay wasaaraadda Gaashaandhiga iyo taliyaha guud ee Ciidanka Militiga iyo saraakiishiisa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa  Xafiiskiisa Ku Qaabiley xoghayaha Difaaca Dawladda Ingiriiska.

Kulankan ayaa la sheegay in lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka Britain oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyadoo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Somaliland.


“kulankaasi wuxuu ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Britain iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.













Click here
1/6/2019 12:57 PM EST
Axad, Janaayo, 06, 2019 (HOL) - Boqolaal ka tirsan bulshada gobolka Sool qaybaheeda kala duwan ayaa kaga hortegey Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sool oo maanta soo gaadhey magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

1/6/2019 10:48 AM EST
Axad, Janaayo, 06, 2019 (HOL) - Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa goor dhow shaaciyay xubnaha ku tartamaya xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

1/6/2019 5:31 AM EST
Axad, Janaayo, 06, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa ay ku xayirnaayeen tan iyo saakay wafdi ka socday dowladda oo lagu waday in ay u anbabaxaan magaalada Garoowe.

1/6/2019 3:57 AM EST
Axad, Janaayo, 06, 2019 (HOL)-Munaasabadan abaal marinta lagu guddoonsiinayay saraakiisha Booliska AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda dalka Nigeria ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,tasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saraakiil kal eoo ka tirsan Booliska AMISOM

1/6/2019 2:35 AM EST
Axad, Janaayo, 06. 2019 (HOL)–Guddiga doorashooyinka DRC Congo ayaa shaaciyay in ay dib u dhigeen Shaacinta Natiijadda doorashadii dhawaan ka dhacay dalkaasi.

1/6/2019 12:49 AM EST
Axad, Janaayo, 06. 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan hwlgal ballaaran xaafaddaha degmadu ka kooban tahay.

1/6/2019 12:30 AM EST
Axad, Janaayo, 06. 2019 (HOL)–Inkastoo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres 04 bisha January uu sheegay in uu wakiil cusub u magacaabayo Soomaaliya, ayaa haddana dhinaca kale golaha Amaanka Qaramada Midoobey waxaa uu mar kale ku celiyay walaaca ay ka qabaan go’aankii dowladda Soomaaliya dalka uga saartay Nicholas Haysom oo ahaa ergeygii QM ee siyaasada Soomaaliya.