3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2019
Soomaali lagu dilay magaalada Rustenburg ee Koofur Afrika

Jimco, Janaayo 11, 2019 (HOL) - Waxaa magaalada Rustenburg ee waqooyi-bari ee dalka Koofur Afrika lagu dilay laba wiil oo Soomaali, mid kale waa dhaawac. Labada wiil ee geeriyootay ayaa waxay kala yihiin Caydaruus Maxamed Abuukar iyo Cabdullahi Maxamuud.

Dilalka noocaan si joogta ah uga dhaca dalka Koofur Afrika, gaar ahaan goobaha ay Soomaalida ka ganacsadaan.

Bishan Janaayo 7dadeedii ayaa ganacsade Soomaaliyeed oo caan ah kana ganacsada sigaarka lagu dilay magaalada Capte Town, waxaana isla goobtii looga dhacay lacag gaareeysa 500,000 Rand (US $36,000).

Labadaan marxuum ayaa la filayaa in barito lagu aaso isla magaalada Rustenburg.













Click here
1/11/2019 12:36 PM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha maxkamada Darrada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Gen Xassan Cali Shuute ayaa faah faahin ka bixiyay kiisaska ugu badan ee maxkamada soo gaaray sanadkii la soo dhafay.

1/11/2019 12:06 PM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL) - Warar xogagaal ah oo an naga soo gaarayo ilo ku dhaw-dhaw wasaaradda maaliyadda ayaa sheegaya in Nigel Roberts loo magacaabidoono guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya.

1/11/2019 7:37 AM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL)– Waxaa soo xirmay kalfadhigii Afaraad ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

1/11/2019 5:53 AM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL)– Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax ,oo ka hadlay dabka xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inhalkaasi ay ku baaba’day hanta badan oo ay lahaayeen Ganacsatada Soomaaliyeed.

1/11/2019 1:48 AM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL)–Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaad Somaliland, Dr:Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa ku dhaawacmay rasaas uu ku furey askari ka tirsan ciidamadda Militeriga Somaliland.

1/11/2019 12:53 AM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL) – Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya dhinaca kalana ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu ballaaran marka la eego Geeska Africa, ayaa waxaa xalay qabsaday dab aad u weyn oo looga soo gurmaday damintiisa qeybaha ay ka kooban tahay Muqdisho.

1/11/2019 12:40 AM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL) Wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo xiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ka soo muuqday baraha bulshada isaga oo gacan ka hadal uu dhaxmarayo qof dumar ah.