4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 11, 2019
Gen Shuute : Kiisaska ugu badan ee maxkamada ciidamadu qaaday sanadkii tagay waa kuwo la xiriira argagixisada

 

Jimco, Janaayo, 11, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha maxkamada Darrada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Gen Xassan Cali Shuute ayaa faah faahin ka bixiyay kiisaska ugu badan ee maxkamada soo gaaray sanadkii la soo dhafay.

Wuxuu sheegay in kiisaska ugu badan ee loo soo gudbiyo yihiin kuwo la xiriira Argagixisada sida uu hadalka u dhigay, gaar ahaan Al-shabaab iyo Daacish, waxaana uu intaa ku daray in labadan Urur ku sii kala badan yihiin dacwadaha soo gaara maxkamada.

‘’Labadan Urur fal danbiyeed-yada ay galaan waa kuwa ugu badan ee maxkamada soo gaara, gaar ahaan Ururka Al-shabaab oo ah kan ugu sii badan dacwadaha aan qaado’’ ayuu yiri Gen Shuute.

Gudoomiyaha Shuute ayaa sheegay in wali ay taagan tahay halista labada Urur, gaar ahana waxaa uu farta ku fiiqay Daacish tahay mid ka halis badan Ururka Al-shabaab dhinaca afkaarta.

‘’Marka labadooda leys bar bar dhiggo Daacish ayaa ka halis badan Ururka Al-shabaab, maxaa yeelay Daacish Al-shabaab iyo shacabka Soomaaliyeed intooda kale waxey u arkaan in ay yihiin kuwo Diinta ka baxay ayuu yiri ‘’ guddoomiyaha maxkamada ciidamada.

Maxkamada ayaa xukunno isugu jira xabsi ciidan, xabsi daa’in iyo dilal ku riday rag u badan dhalinyarro oo ka tirsanaa labadan Urur waxaa ugu danbeeyay labo dhalinyarro ah oo ku eedeysnaa dilka mid ka mid ah nabaddoonnada Soomaaliyeed. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]