Wasaaradda Amniga oo faah faahisay xarigga Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska
Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL) –
Wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo xiray
sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ka soo muuqday baraha
bulshada isaga oo gacan ka hadal uu dhaxmarayo qof dumar ah.
Sarkaalka la xiray ayaa lagu
magacaabaa Yuusuf Xundubeey, waxaana maalmihii ugu danbeeyay muuqaalkiisa lagu
baahinayay baraha bulshada ku wada xiriiraan xili uu gacan ka hadal ka dhax
socday isaga iyo qof dumar ah oo la sheegay in ay aheyd xaaskiisii hore.
“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka
tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo
ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in
Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”ayaa lagu
yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga.
Muuqaalka ayaa la sheegay in baahisay gabadha uu
gacan ka hadalka dhaxmaray, waxaana sarkaalkan uu xirnaa waqtigaa dareyska
ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.
Waa markii ugu horeysay oo sarkaal ka tirsan
ciidamada loo soo xiro sida la sheegay aflagaado ama gacan ka hadal uu u
geystay qof dumar ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]