1/16/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 11, 2019
Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo la dhaawacay


 

Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL)–Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaad Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa ku dhaawacmay rasaas uu ku furey askari ka tirsan ciidamadda Militeriga Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka Dr:Xargeeye ayaa isku dayey inuu ka joojiyey askarigan oo guri sandaqad ah ka dhisanayey goob uu leeyahay dugsiga caafimaadka ee magaaladda Hargeysa., taasina ay keentay gacan ka hadal yimaado ka dib markii agaasimuhu doonayey inuu gacantiisa ku dumiyo jiingadi uu dhisayey, taasina ay keentay inuu xabad kaga dhufto lugaha gaar ahaan bawdadda, inkastoo aanay laf jabin balse ay jiidhaysay xabadii uu ku furay.

"Dalka waa loosoo dhaawacmay oo loo dhintay, waan ku faraxsanahay inaan ku dhaawacmay anigoo qarankeyga u shaqeynaya" ayuu yidhi agaasimaha oo warbaahinta la hadlay.

Agaasimaha ayaa dhaawac fudud noqday, waxaana xabsiga loo taxaabay askarigii xabadda ku dhuftay oo xabsiyadda ciidamada loo taxaabay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.







Click here
1/11/2019 5:29 PM EST
Jimco, Janaayo 11, 2019 (HOL) - Waxaa magaalada Rustenburg ee waqooyi-bari ee dalka Koofur Afrika lagu dilay laba wiil oo Soomaali, mid kale waa dhaawac

1/11/2019 12:36 PM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha maxkamada Darrada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Gen Xassan Cali Shuute ayaa faah faahin ka bixiyay kiisaska ugu badan ee maxkamada soo gaaray sanadkii la soo dhafay.

1/11/2019 12:06 PM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL) - Warar xogagaal ah oo an naga soo gaarayo ilo ku dhaw-dhaw wasaaradda maaliyadda ayaa sheegaya in Nigel Roberts loo magacaabidoono guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya.

1/11/2019 7:37 AM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL)– Waxaa soo xirmay kalfadhigii Afaraad ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

1/11/2019 5:53 AM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL)– Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax ,oo ka hadlay dabka xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inhalkaasi ay ku baaba’day hanta badan oo ay lahaayeen Ganacsatada Soomaaliyeed.

1/11/2019 12:53 AM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL) – Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya dhinaca kalana ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu ballaaran marka la eego Geeska Africa, ayaa waxaa xalay qabsaday dab aad u weyn oo looga soo gurmaday damintiisa qeybaha ay ka kooban tahay Muqdisho.

1/11/2019 12:40 AM EST
Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL) Wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo xiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ka soo muuqday baraha bulshada isaga oo gacan ka hadal uu dhaxmarayo qof dumar ah.