Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL) – Suuqa
Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya dhinaca kalana ka mid ah xarumaha
ganacsiga ugu ballaaran marka la eego Geeska Africa, ayaa waxaa xalay qabsaday
dab aad u weyn oo looga soo gurmaday damintiisa qeybaha ay ka kooban tahay
Muqdisho.
Dabkan oo markii hore ka
bilaawday qeybta lagu iibiyo Dharka Huudheyda iyo Joodariyaasha ayaa markiiba
ku fiday qeybo kale oo isla suuqa ka tirsan, sida ay Hiiraan Online u sheegeen
qaar ka mid ah dadkii halkaa gurmadka u tagay.
‘’Dabkan waxaa oran karaa waa kii
ugu weynaa oo waayadan soo mara suuqa oo marar badan ooh ore sidan oo kale uu
dab uga kacay, hasse ahaatee kii xalay waxaa la dhihi karaa waa kii ugu ballaarnaa
oo waayadan aan arko’’ ayuu yiri qof ka mid ahaa dadkii xalay ku kaacay markii
ay ka war helleen warka ku saabsan dabka qabsaday suuqa.
Wuxuu sheegay in uu isku fidiyay
laga soo bilaabo qeybta Huudheyda ilaa laga soo gaaro qeybta kale ee lagu iibiyo
maacuunta ee Suuqa Khaliifa, halkaa oo laga dheehan karay saameynta uu lahaa
dabka.
Ilaa iyo hadda lama oga
khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan oo markii danbe lagu guuleystay in
la damiyo.
Suuqa Bakaaraha. Waa xuddunta
dhaqaalaha Soomaaliya, hantida taallana waxay u dhiganta balaayiin dollar.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]