4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2019
Nigel Roberts oo lagu wado in loo magacaabo guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya


Jimco, Janaayo 11, 2019 (HOL) Warar xogagaal ah oo an naga soo gaarayo ilo ku dhaw-dhaw wasaaradda maaliyadda ayaa sheegaya in Nigel Roberts loo magacaabidoono guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Arrintaan ayaa soo shaac baxday ka dib markii bishan Jan. 4teedii golaha wasiirada ay meel-mariyeen sharciga ogolaanaya in qof ajinabi ah uu madax ka noqdo Bangiga Dhexe.

60kii wasiir iyo wasiir ku-xigeen ayaa si buuxda oo aan ka hadal iyo dood lahayn ugu raacay qorshaha R/Wasaare Khayre iyo wasiirkiisa maaliyadd ee lagu beddelayo sharciga u degsan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Sharciga Bangiga Dhexe ayaa mamnuucaya in qof ajinabi ah uu madax ka noqdo bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa bishii August ee 2018 ku dhawaaqay in jagada bangiga dhexe ay bannantahay ayna soo codsan karaan cid waliba. Waxaana xayeesiiska shaqada lagu baahiyey joornaalka Economist ee ka soo baxa dalka Britain. Waxayna dowladda ku bixisay qarash gaaraya $26,000 oo dollar. Wasiir Beyle ayaa waxaa ka hortimid caqabadda sharciga u degsan  Bangiga Dhexe oo ah in qof aanan Soomaali ahayn loo magacaabi karin jagadaas. Taas ayaa sababtay in dowladda ay bilowdo olole la rabo in wax lagaga beddelo sharcigaas.

Jagadaan bannaan ee Bangiga Dhexe ayaa waxaa soo codsaday 150 qofood, isku-shaandhayn ka dib waxaa dadka laga soo reebey ilaa iyo 16 qofood,  markii wareysi (interview) laga qaadayna waxeey isug soo aruureen  ilaa iyo 7 qofood (4 Soomaali ah iyo  3 ajaanib ah uu ka mid yahay Nigel Roberts).

Nigel Roberts oo ay dowladda shaqadaan u waddo  waa qof noocee ah:


Niget Roberts waa aqoon yahaan u dhashay dalka Britain. Wuxuu ku soo biiray hay'adda Bangiga Adduunka ee World Bank sannadkii 1981 isaga oo ay shaqadiisu ahayd dhaqaalah Beeraha (agricultural Economist). Wuxuuna shahaada Masterka ku wataa cilmiga luqadda Ingriiska (English Literature). Wuxuu hay’adda Bangiga Adduunka la shaqeyneyey muddo 20 sanno ah. Wuxuuna ka soo shaqeeyey wadamada kala ah Nepal, Ethiopia, West Bank and Gaza, Sydney/Pacific

Su’aasha dad badan ay isweydiinayaan ayaa waxay tahay ma la waayey qof Soomaalia ah gudaha iyo dibadda oo ka aqoon iyo waaya aragnimo badan Nigel Roberts?

Su’aashaas ayeey HOL weeydiisay Maxamed Dalmar Cabdiraxmaan oo ahaa agaasimihii ugu dambeeyey ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya dowladdii Maxamed Siyaad Barre, aqoon wanaagsan u leh qaabka uu u shaqeeyo Bangiga Dhexe. “Waxaa jira boqolaal Soomaali ah oo intii la doono ka aqoon iyo khibrad badan Mr. Nigel, haystana shahaadooyin kala duwan Master iyo PhD kana soo shaqeeyey bangiyada caalamiga. Soomaaliya markay xornimada qaadatay 1960, waxaa bangiga dhexe maamulayey laba nin oo Talyaani ah maxaa yeelay dad aqoontaas leh ma jirin. Laakin maanta oo Soomaali adduunka ku wada yaacday, waxaa la helayaa dad si fiican uga soo bixi-kara shaqadaas. Ma aqaan wax dowladda maanta ku kalifay in qof ajinabi ah loogu magacaabo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Jagada ajinabi ku haboon ayaa waxay ila tahay jagada agaasimaha guud ee bangiga dhexe ” ayuu yiri Maxamed Dalmar.

Maxamed Dalmar ayaa sidoo kale sheegay in howsha Bangiga Dhexe ay iska kooban tahay maadaama uusan Shillin Soomaali shaqeyn oo Dollar wax lagu kala gato. Dhibaatooyin ka immaan karo ayaa waxaa ka mid ah ayuu yiri Maxamed Dalmar:

1-   Mushaarka  Nigel Roberts oo aad u badnaandoona, maadaama uu yahay ajinabi xiriir hoosana la leh ha'yadda Bangiga Adduunka ee World Bank oo si weyn u kabta mushaaraadka shaqaalaha dowladda Soomaaliya

2-   Ilaalinta Nigel Roberts oo qarash dheeraad ah ku bixidoono. Maadaama uu Xalane ka soo shaqa tagidoono, joogitaankiisana uu u badnaandoono dalka Kenya.

3-   Kooxaha argagixisada oo dhaqdhaqaaqiisa si gaar ah ula soconayo si ay u wax-yeeleeyaan sumacadda Bangiga Dhexe

Baarlamaanka Federaalka ayaa maalinta isniinta ee bishan Janaayo 14keeda u ballansan in ay ka doodaan ansixinta sharciga u degsan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya si markaas shaqada guddoomiyenimada loogu magacaabo Mr. Nigel Roberts.