4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 11, 2019
Maamulka Gobolka Banaadir oo baaraya sababta Dabkii xalay ka kacay suuqa Bakaaraha

 

Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL)– Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax ,oo ka hadlay dabka xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inhalkaasi ay ku baaba’day hanta badan oo ay lahaayeen Ganacsatada Soomaaliyeed.

Tuulax, oo la hadlayay warbaahinta ayaa intaa in ay ka maamul ahaan xakameeyeen dabka, kaas oo dhalin lahaa qasaare intaa ka badan, wuxuuna sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aaddan waxyaabaha soo celceliya gubashada Suuqa iyo hantidii lagu waayay.

Debkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa sida ay qaar ka mid ah Ganacsatadu sheegeen waxa uu ka billowday qeybta lagu iibiyo Dharka Huudheyda, isagoo kusii faafay qeybaha Maacuunta, Hilibka, Dukaamo iyo Guryo halkaa ka dhowaa.

Deminta Debkan oo ay Gacan weyn ka geysteen maamulka Gobolka, shirkadaha Madaxa bannaan iyo dad weyne is xilqaamay ayaa Saacado ka dib lagu guuleystay in la baqtiiyo, iyadoo ciidamaduna ay sugayeen ammaanka guud ee Suuqa si anay ugu soo dhuuman tuugada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]