Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee India iyo Nigeria
Khamiis, Feberaayo,14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee dalalka India iyo Nigeria ee Soomaaliya.
Danjiraha dalka India Mudane Rahul Chabbra oo madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha India Mudane Narendra Modi ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.
Madaxweyne Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee dalka India u
rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo
inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada
dal.
Danjire Chabbra iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada
hadlay sidii labada dal u adkeyn lahaayeen xiriirka dhinacyada
waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga iyo sidii shacabka Soomaaliyeed
loogu fududayn lahaa dal-ku-galka India.
Dhanka kale, danjiraha cusub ee dowladda Nigeria u soo
magcawday Soomaaliya Sheidu Omeiza Momoha yaa Madaxaweynaha la wadaagay
salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalka Nigeria Mudane Muxamed
Bukhaari.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Nigeria uga
mahadceliyay kaalinta Ciidanka dalkaas ee qaybta ka ah Booliiska AMISOM
ay ka qaataan nabadgelyada dalka isaga oo doorasho nadboon oo xor iyo
xalaal ah u rajeeyay dalka iyo shacabka Nigeria.
Madaxweynaha ayaa danjirayaasha cusub u ballan qaaday
inay wadashaqayn fiican iyo soo dhaweyn diirran kala kulmi doonaan
Dowladda Federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]