Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HOL)- Waxaa
qalliin lagu guuleystay oo lafdhabarta ah lagu sameeyay ilma yar oo aanan wali
dhalan.
Bethan Simpson, waa haweeney 26 jir ah, waxaa loo sheegay in gabadheeda
caloosha ku jirta baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday toddobaadkii 20-aad in
lafdhabartu kala baxsan tahay.
Hooyo Simpson ayaa noqotay mid ka mid ah haweenkii ugu horreeyay dalka UK ee
lagu sameeyo qaliinkii ugu horreeyay " ee toosinta uurjiifka"
Qaliin ilmagaleenka ah oo soconayay afar saacadood ayaa uur-jiifka banaanka
loo soo saaray, iyada oo dhaqaatiirta qaliinka wadayna ay ku toosiyeen qalooc
ku jiray qeybta hoose ee lafdhabarta.
Mrs Simpson ayaa sidan tan sheegtay "Ma dooneyn inaa iska soo tuuro
ilmahayga oo aan dareemayay dhaqdhqaasiisa".
Qaliinka lagu sameeyay ilmaha caloosha ku jiray ayaa la rumeysan yahay inuu
guuleystay waxa uuna dhalan doona bishi April ee soo socota.
Hooyada ilmahan yar Mrs Simpson ayaa sheegtay in iyada iyo seygeeda Keiron
loosoo jeediyay in ilmaha caloosha ku jira ay iska soo tuurto, kaddib markii la
ogaaday xaaladeeda, balse go'aanka lagu toosiyay lafhabarta uur-jiifka ayaa
garaadkooda ka weyn".
" Waxaa la ii sheegay inay naafo tahay oo lafdhabarta ka qaloocan
tahay, balse ma aysan ahayn, " ayay tiri Mrs Simpson.
Waxaa hooyadan loo ogolaaday in lagu qalo isbitaalka Jaamacada London bishii
Disember, kaddib markii lagu sameeyay dhowr baaritaan oo uur-jiifka ah.
Qaliinka lagu sameeyay toddobaadkii 24-aad ee uur ku jirta ayaa waxaa qeyb
ka ahaa furitaanka ilmagaleenka iyo in dhinac kale loo dhigo uur-jiifka si loo
toosiyo qalooca, iyo sidoo kale dib u habeynta lafdhabarta.
" Waxaan kasoo baxay qaliinka hal saac waxaana isla habeenkii
dareemayay dhaqdhaqaaqa ilmaha yar," ayay tiri Mrs Simpson
Mrs Simpson ayaa la rumeysan yahay inay tahay bukaankii afaraad ee gudaha UK
loogu sameeyo qaliinkan, iyada oo inta badan qaliinada noocaan ah lagu sameeyo
dalka Belgium-ka iyo Mareykanka.
Laga bilaabo bisha April, qaliinkan
ayaa laga heli doona isbitaalada qaran ee UK. Ku dhawaad 200 oo caruur ah ayaa
ku dhasha UK sanad walba iyaga oo lafdhabartu ka qaloocan.
Dominic Thompson, oo ah dhaqtar
neerfaha qaabilsan horseedna u ahaa dhaqaatiirti sameysay qaliinkan ayaa ku
tilmaamay qaliinka ilmaha yar lagu sameeyay mid "aan la rumeysan
karin".
Sikasataba ha ahaatee, Mrs Simpson
ayaa ku boorisay waalidiinta dhigeeda ah inay ka fakaraan qaliin lagu sameeyo
caruurta" waxkasta oo suuragal ahna ay ku dhaqaaqaan".
Xigasho : BBCSomalia