4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2019
Wasiirka Maaliyada : waxaa jira shirkaddo waaweyn oo aan wax canshuur ah bixin

 

Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr ; Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka ayaa Maanta ka hadlay xaaladda dhaqaale ee Dalka,  miisaaniyadda Sanadkan iyo caqabadaha ka taagan canshuur bixinta.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan illaa 20 shirkado oo aan canshuur  bixin, isagoo u digay shirkadahaa, kuna wargeliyay in haddii ay bixin  waayaan ay sharciga ku kala baxayaan.

Beyle ayaa intaa ku darray in ay hadda ka gaabsanayaan magacyada ganacsatada iyo  shirkadaha aan canshuurta bixin, balse marka xiga ay soo bandhigi  doonaan.

Sidoo kale waxaa uu uu sheegay in wada hadal u socdo shirkadaha aan canshuurta bixin, waxaana uu ugu baaqay inay iska bixiyaan canshuurta ku waajibtay sida uu yiri.

“Waxaa jira shirkado waa weyn oo labaatameeyo aan canshuur bixin, waa idin digeynaa canshuurta bixiya, haddii kale waa idin magac dhabayaa, sharciga ayaa ku kala baxeynaa”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in  wareegga saddexaad barnaamijka dey cafinta la soo geba-gabeynayo Bisha April horraanteeda, waxaana uu sheegay in wali caqabada ugu weyn tahay  daqliga ka soo xerooda canshuuraha oo aad u yar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]