4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2019
Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose

 

Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ayaa sheegay in ay fuliyeen labo duqeyn oo ka dhan ah xoogagga Ururka Al-shabaab, kaddib weerar ka dhacay meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaada in ay ku dileen 15 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar ka dhacay 11 bishan degmada Janaale oo 40 km galbeedka uga beegan magaalada Muqdisho.

Duqeynta cirka ah ayaa ka dnabeysay howlgal ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fulinayeen deegaanka oo dhan ahaa xoogagga ururka Al-shabaab.

Magaaladan duqeynta lagu weeraray ee Janaale ayaa 10 mayl u jirtay magaalada kale ee lagu magacaabo Gandarshe laga soo bilaabo bishii Dec sanadkii 2018 duqeyn ay ka geysteen Mareykanka lagu dilay 76 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira duqeynta ka dhacday Janaale ee la sheegay in lagu dilay 15 ka tirsan dagaalyahannadooda.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]