Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HOL)-Madaxa hay’adda xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay , Michelle Bachelet, ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu dowladda Itoobiya ka caawin doono caqabadaha ka haysta xuquul Insaanka.
Mss Bachelet, oo magaalada Addiis ababa kula kulantay, Madaxweynaha
dalka Itoobiya , Sahle-Work Zewde, ayaa sheegtay in ay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo dhiirri gelin lahaa is-beddelada iyo fursadaha ka
jira dalkaasi.
Michelle Bachelet, ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku hanweyntay
hirgelinta waxyaabihii ay ka wada hadleen iyada iyo Madaxweyne, ,
Sahle-Work Zewde, maaddaama uu golaha Wasiirrada ee dalkaasi yahay kala
bar dumar, kaas oo ah dalka koobaad ee muhiimadda siiya Haweenka
marka la eego Qaaradda Afrika.
Horraantii 2018-kii, markii la la doortay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, waxaa dalka Itoobiya xilal kala duwan oo ay ku jiraan kuwo muhiim
ah loo dhiibay Haween , waxaana kala bar golaha wasiirrada laga dhigay dumar, iyadoo sidoo kale ay Madaxweyne ka noqotay, Sahle-Work Zewde, taas oo keentay in lala dagaallamo musuqa, lana yareeyo tacaddiyada ka dhanka xuquuqul Insaanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]