4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2019
Mid ka mid ah Wasiir ku-xigeennada Koonfur Galbeed oo xilka iska casilay

 

Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HOL)- Wasiir ku-xigeenkii gaadiidka cirka iyo dhulka Cabdisalaan Cabdullaahi Yalaxoow ee maalintii shalay uu magacaabay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in uu iska casilay xilka wasiir ku-xigeenka ee loo magacaabay.

Wuxuu sheegay in sababta uu xilkan isaga casilay tahay in uu ku qanci wayay, madaama sida uu hadalka u dhigay beeshiisu ay filayeen in ay ka helayaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Lafta-gareen Wasiir buuxa.

‘’Waxaan rabaa in aan halkan ka cadeeyo in aan iska casilay xilkii Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Koonfur Galbeed’’ ayuu yiri Yalaxoow.

Cabdisalaan Cabdullaahi Yalaxoow ayaa ka mid ahaa Wasiir kuxigeenadii uu galabta ku dhawaqaay madaxweynaha Koonfur Galbeed,

Golaha Wasiirradda cusub ee Koonfur Galbeed ee shalay lagu dhawaaqay ayaa ka koobnaa 15 Wasiir iyo 25 Wasiir ku-xigeen, waxaana horay loo magacaabay 10 Wasiir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]