
Khamiis,Feberaayo, 14, 2019 (HOL)-Degaanno badan oo ka mid ah gobolka Sool ayaa laga soo seegayaa xaalad abaareed oo aad u daran
Gudoomiyaha degmada Xuddun Faarax Cali Ibraahin ayaa
isagoo Ku sugan magaalada Laascaanood waxa uu HOL u sheegay in xaalad
adag ay degmada ka taagan tahay.
newsinside "Baadkii
waa dhamaaday oo ma soo dhowaan hadana biyihii baa gabaabsi ah, hada
welina xili roob ma dhowa, Illaahay xiliguu doonuu shubi karaaye" ayuu
yidhi gudoomiyuhu, waxaanu intaas ku daray in illaa haatan wax
diyaargarow ah aanay jirin.
Maxamed
Jaamac Mahad oo isagoo Xuddun jooga aan xaakada ka waraysanay ayaa waxa
uu sheegay in waqtiga lagu jiro dad iyo duunyoba ay jilicsan yihiin.
Hada
biyaha ayaa ugu daran oo xiligaa foostada biyaha ahi ay marayso 110,000
halkii ay ka ahayd 35,000 oo shilin, waxaanu sheegay hadii aan isbedel
imaan ay gaadhi doonaan meel aan la goyn Karin.
Xaalan
adag oo degmada Xuddun ayaa waxaa la wadaaga degaano badan oo gobolka
iyo gobolada deriska la ah, waxaana laga cabsi qabaa inay noqoto mid
aafo reebta sidii mudo haatan laga joogo ku dhowaad sadex sanadood.
.