4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2019
Akhriso : Magacyada guddiga Ra'iiisal wasaare Kheyre uu u saaray Aaska marxuum Eng Yariisoow

 

Khamiis, Augusto, 01 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Guddi ka kooban Afar iyo Toban Xubnood u magacaabay Aaska Qaranka ee loo sameynayo Guddoomiyahii gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo maanta ku geeriyooday dalka Qatar, Waxaana guddigaan guddoomiye u ah Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka XFS.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa 12 ruux oo Khamiis toddobaadkii hore loogu qaaday xaalad caafimaad magaalada Doha ee dalka Qatar, kaddib dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarkii Ismiidaaminta ahaa 24kii bishii tagtay ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir.

Wareegtada magacaabista guddiga :-

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]