4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2019
Kulan isugu jiray tacsi iyo maqaamka gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu qabtay


Khamiis, Augusto, 01 2019 (HOL)- Kulanka oo isugu jiray tacsi loo dirayo eheladda dadkii ku dhintay qaraxii toddobaadkii hore ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo maqaamka caasimada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay, xildhibaanno, odayaal dhaqameed waxgarad ka soo jeeda gobolka Banaadir.

Ugu horeyn dhamaan dadkii kulanka ka hadlay ayaa tacsi u diray ehelada dadkii iyo masuuliyiintii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay xarunta gobolka banaadir.

Nabadoon Maxamed Cadoow Cali oo ka mid ah nabadoonadii kulanka ka hadlay ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in cadaalad loo raadiyo dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka.

“Madaxda dowladda waxaan ka sugeynaa iney cadaalad u raadiyaan dadkii dhintay, waxaan kaloo u baahannahay cid qaadata mas’uuliyada wixii dhacay bulshadana loo soo bandhigo warbixin sax ah oo ay ku qancaan”. ayuu yiri Nabadoonku.

Malaaq Maxamuud Malaaq Cali iyo Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cali ayaa si wadajir ah kulanka ugu sheegay in Muqdisho ay noqotay magaalo xabsi ah oo dadkeeda aysan isku gudbi Karin.

Waxaa ay tilmaameen in ay u baahan yihiin in maamul gaar ah loo sameeyo gobolka Banaadir oo ku yimaada codka shacabka Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay kala shaqeynayaan sidii maamul u gaar ah gobolka loogu sameyn lahaa.

“Madaxweyne Farmaajo waxaa uu mar walbo sheegaa in dalka ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah balse ma ogolo in gobolka Banaadir dadkiisa ay duq magaalo doortaan golle deegaanna la dhiso, waxaan balan qaadayaa in cabashada odayaasha dhaqanka aan horgeyn doono Golaha Shacabka kana shaqeyn doono sidii maqaamka caasimadda lagu heli lahaa”. ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali oo kulanka soo xeray ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka heysta shacabka gobolka iyo baahida loo qabo in la helo maamul matala.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay dhisi doonaan guddiyo farsamo oo arrinta maamul u sameynta ka shaqeeya si loo helo maamul doorasho ku yimid.

“Madaxda dowladda waan u sheegnay magaalada dhagax laguma maamuli karo, waxaan dhiseynaa guddiyo farsamo oo soo diyaariya dhismaha maamul u sameynta gobolka Banaadir, qorshaha aan wadno madaxda waan la wadaageynaa si shacabkaan dulman ee canshuur bixiyayaasha ah wax loogu qabto” ayuu yiri xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble.

Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed {Cabdirisaaq Dheere] ayaa sidoo kale ka mid ahaa xidhibaannadii ka hadlay kulanka, isaga oo dhiiri-galiyay dhismaha maamul u gaar ah gobolka Banaadir.

Ka qeybgalayaashii kulanka aya ugu danbeyntii u duceeyay dhamaan mas’uuliyiintii iyo dadkii shacabka ahaa oo ay wax-yeeladu kasoo gaareen qaraxii 24-kii bishii July ka dhacay xarunta aqalka dowladda ee Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]