Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Wasiirka Gaashandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay cutubka ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga
newsinside Wasiirka oo ay wehliyaan ku simaha Taliyaha ciidamada xoogga dalka ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka iyo Taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga ee Soomaaliya, ayaa ciidamada ku bogaadiyay sida ay ugu Dhabar adeygeen tababarka ay soo qaateen.
Taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamadan kaga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay tababarka u qaateen muddadii ay joogeen dalka Turkiga
Ku simaha Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Ahna Taliye ku xigeenka ciidamada xoogga dalka S/gaas cabdi Xasan Maxamed Xijaal ayaa dowlada Turkiga kaga Mahadceliyay dadaalka adag ay ku bixineyso dhismaha ciidamada xoogga dalka
Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali waxa uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku howlan tahay dib udhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Ciidamada soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa muddo ku dhow Sanad waxa ay tababar ku qaadanayeen Dalka Turkiga, waxaana jira dufcado kale oo iyaguna ka soo baxay Dugsiga Turk-Som ee Muqdisho iyo xarumo kale, kuwaas oo door buuxa ka qaadan doona la dagaallanka Al-shabaab.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]






