4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2019
Madaxweyne Farmaajo oo celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay Marekanka

Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Marekanka.

“Howshan waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku howlanaayeen sharciya-qaanno iyo xafiisyadda qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Marekanka.” ayaa lagu yiri bayaan ay baahisay madaxtooyadda Soomaaliya.

Go’ankan wuxuu ka dhigaya madaxweyne Farmaajo - madaxweynihii u horreeyay ee isagoo xil haya dib u celiya jinsiyaddiisa labaad.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]