4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2019
Dabaal-degga xuska sannad-guurrada 21aad ee Puntland oo Garoowe lagu qabtay


Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)-  Dowlad-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa maanta u dabaal-deggay sannad-guurradii 21aad ee ka soo wareegatay xilligii la aas aasay.

Magaalada xarunta ah ee Garoowe ayaa lagu qabtay bandhig dabaal-deg ah oo ay goobjoog u ahaayeen, madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa, wasiirro, saraakiil iyo mas'uuliyiin kale oo maamulka ka tirsan.

Bandhiggan waxaa kalo ka qeybgalay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,guddoomiye ku-xigeen koowaad ee Aqalka Sare , Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Cabdisemed Cali Shire, Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha DFS iyo kuwa  Puntland, Aqoonyahano siyaasiyiin iyo dhammaan shacabka Puntland.

Ciidammada qalabka sida, shacabka Puntland oo ka yimid gobollada  ayaa qayb ka ahaa xuska maalintaasi  ee ku suntan taariikhda guun ka ah ee aasaaskii Puntland.

Fagaaraha bannaan ee bartamaha magaalada Garoowe ayaa gaado ka ciyaar waxaa ku maray ciidammada kala duwan ee Puntland iyo gaadiid degaal, iyada oo la filayo munaasabad kale inay caawa ka dhacdo xarunta madaxtooyadda halkaa oo ay hadallo ka jeedin doonaan madaxda sare ee Puntland iyo mas'uuliyiinta kale.

Puntland waxaa la aasaasay sannadkii 1998, waxaana deegaannada ay ka mid ahaayeen tan iyo burburkii dowladdii dhexe kuwa ugu nabdoon dalka oo dhan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]