4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2019
Warar dheeraad ah oo ku saabsan dilkii xalay Kismaayo loogu geystay Suldaan Rashiid Dhurre

 

Khamiiis, Augusto 01, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa ugu baaqay laamaha Amniga Jubbaland in jawaaab deg deg ah laga bixiyo sida uu hadalka u dhigay dilka Suldaan Rashiid Dhurre.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku amaanay Suldaank in uu ahaa mid ka mid ah tiirarka midnimada iyo nabad kuwada noolan- shaha Shacabka reer Jubbaland wax badana uu wakhtigiisa u huray nabadaynta iyo walaalnimada Bulshada.

Marka laga soo tago hadalka Madaxweynaha Jubbaland waxaa soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo la xiriirka dilka Suldaan Rashiid oo la sheegay in uu toogasho u geystay qof ku hubeysnaa Qoriga AK 47 xili uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday Salaada Maqrib.

Suldaan Rashiid Dhurre ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in uu ka mid ahaa Salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka sida weyn uga soo horjeeday hannaanka loo wado doorashada Jubbaland, gaar ahaan guddiga doorashada Jubbaland iyo warbixinnadii ay soo saareen ee la xiriira sida ay doorashadu u dhaceyso.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka xalay Magalada Kismaayo loogu geystay Suldaan Rashiid Dhurre Cumar,waxaana howlgallo baaritaano ah oo aan weli dad lagu soo qaban,waxaana siweyn dilkaas looga dareemay magaalada Kismaayo iyo guud ahaan deegaannada Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]