4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2019
Booliska oo Muqdisho ku xiray dad la baadi goobayay

Axad, April, 28, 2019 (HOL)– Booliska Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday howlgallo laga fuliyay caasimadda Muqdisho in lagu xiray ku dhawaad 70 qof oo ay ku jireen xubno la baadigoobayay oo ka tirsan ururka al-Shabaab.

Taliye ku-xigeenka  Booliska , Sakiyo Xuseen ayaa suxufiyiinta u sheegtay howlgallada dadkaa lagu xiray inay qayb ka yihiin dadaallada ay boolisku wadaan ee lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho,iyadoo sheegtay in 26 bishan April gacanta lagu soo dhigay 4 ruux oo ku eedeysan al-Shabaabnimo ,kaddib howlgallo ay ciidanku ka sameeyeen degmada Hilwaa.

"Hay'addaha amniga waxay gacanka ku dhigeen dhagar-qabe xogtiisa  horey loo hayay oo ku eedeysnaa dil loo geystay guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, isagoo laga soo qabtay degmada Xamar weyne,shacabkaana nagu soo wargeliyay meesha uu joogo ".  Sakiyo Xuseen ayaa sida sheegtay iyadoo inta ku dartay " Degmada Xamar weyne waxaa kalo lagu soo qabtay 8 ruux oo sidoo kale ku eedeysan Shabaabnimo ... shacabka ayaana na soo wargeliyay".

Taliye ku-xigeenka  Booliska , Sakiyo Xuseen  ayaa warbixinta ay siisay warbaahinta waxaa ay ku soo dartay in ciidanka amniga xilli dambe oo xalay ah  howlgallo la sameeyay lagu soo qabtay 60 ruux oo lagu tuhunsanyahay al-Shabaabnimo ,howlgalka oo ay ciidanku ka sameeyeen deegaanka Waydow ee duleedka Muqdisho.

"Ciidanka amniga waxaa kalo ay degmada Deynile ku soo qabteen 4 ruux oo burcad ah oo dhac ka geysanayay degmada, shacabka ayaa nala soo wadaagay".

Howlgal laga fuliyay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaran ayaa sidoo kale ciidanku waxaa ay galeen guri lagu iibiyo walxaha maanka dooriya,iyadoo ciidanka ay gacanta ku soo dhigeen sagaal jawaan oo maandooriyaha xashiishka loo yaqaanno, qori AK47 ah iyo afar ruux oo haweeney ku jirto,sida ay sheegtay taliye kuxigeenka booliska.

Warbixinta booliska ayaa ku soo aadday xilli ciidanka amniga ay howlgallo ka wadaan degmooyin ka tirsan caasimadda Muqdisho, waxaana booliska ay ka dalbadeen shacabka inay la soo wadaagan xogaha amni.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]