4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2019
Sheekh Shariif iyo xubno ka tirsan xisbigiisa oo kulamo ka wadda Muqdisho

Axad, April, 28, 2019 (HOL)–Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed  iyo xubno ka tirsan xisbigiisa Himilo Qaran ayaa kullamo ka wada caasimadda Muqdisho,iyagoo la fadhiisanaya siyaasiyiin iyo diblumaasiyiinta Muqdisho ku sugan.

Shariif Sheekh iyo xubnaha ka socday xisbiga Himilo Qaran ayaa kula kulmay safaaradda Kenya ee ku dhex taalla xarunta Xalane safiirka Kenya Amb. Lucas Tumbo, kaasoo dhowaan dib ugu soo laabtay Muqdisho,iyadoo kulanka looga hadlay arrimo kala duwan oo quseeya xaaladaha Soomaaliya iyo gobolka ka jira.

Kulanka wuxuu ka dambeeyay markii Safiirka uu martiqaad u diray Sheekh Shariif,sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Dhinaca kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay la taliyaha dhanka siyaasadda wakiilka IGAD ee arrimaha Soomaliya Cabdikarim Maxamed Dahiye , waxaa ay ka wadahadleen arrimo la xiriira isbedellada geeska Afrika.

Shariif Sheekh Axmed , madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo toddobaadkan ku soo laabtay Muqdisho ayaa waday kullamo kala duwan oo uu siyaasiyiinta iyo diblumaasiyiinta la qaadanayay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]