
Axad, April, 28, 2019 (HOL)– Duqa magaalada Muqdisho, ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Yariisow ayaa maanta soo saaray digniin ku socota shacabka gobolka, arrintan waxaa ay la xiriirta xeerar horumarineed, sida uu maamulka sheegay.
Xeerkan ayaa mamnuucaya in danta guud loo isticmaalo danta gaar ahaaneed, sidoo kale waxaa la faray cid walba inay gurigeeda hortiisa ku dhejiso Nal.
Xeerkan ayaa sidan u qornaa:-
2- In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal, si Iftiinka Magaalada Muqdisho loogu wada qeyb-qaato, taasi oo muhiim u ah Howlgalada Amni, bacdamaa kooxaha dhibaatooyinka geysta ay ku dhuuntaan goobaha Mugdiga ah.
– Cidii xeerarkaan fulin weyda waxaa laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga taasi oo ku xusan xeerarka kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]