4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2019
Shir caalami ah oo lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo Muqdisho

 

Axad, April, 28, 2019 (HOL)– Shir-weynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka waxaa loogu yeero Xagjirnimada oo ay qaban-qaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maal-geliyay-na Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ka furmaya Muqdisho maalinta Isniinta ee berri ah.

Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirka oo soconaya labada maalmood (29-30 April) , iyaga oo diiradda ku saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]