4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2019
Gudoomiyaha maxkamadda Sare oo gudoomiyeyaal maxkamadeed isku bedel ku sameeyey

 

Axad, April, 28, 2019 (HOL)– Gudoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaaji Cali ayaa maanta isku bedel ku sameeyey maxkamadihii heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Maroodi jeex, waxaanu xilalkii ay hayeen ka bedelay laba gudoomiye Maxkamadeed oo Somaliland caan ka ah.

Gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Maroodi jeex Axmed Dalmar Halac ayaa xilkii uu hayey laga qaaday loona bedelay Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi Jeex, halka gudoomiyaha degamdda Hargeysa Cabdirashiid Beer geel loo bedelay garsoore maxkamadda gobolka Maroodi Jeex.

Cabdi Qawdhan Cabdi waxa loo magacaabay gudoomiyaha maxkamadda gobolka maroodi jeex si ku meel gaadh ah, halka Yaxye Xuseen Yuusuf gudoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa si ku meel gaadh ah.

 

Dhinaca kale, gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi jeex laga bedelay Gasoore Dalmar ayaa sheegay inuu xilkii uu hayey iska casilay, isla markaana arrimo u gaar ah uu shaqadda masuuliyadda iskaga joojiyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland