4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2019
Jaaliyadda Switzerland oo soo dhaweysay doorkii wax qabad ee safiirkoodii hore Faadumo Insaaniya

 

Axad, April, 28, 2019 (HOL)–Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland ayaa soo dhaweysay doorkii wax qabad ee safiirkii hore ee Soomaaliya u joogtay dalkaa Danjire Faadumo Cabdullaahi Insaaniya oo hadda loo baddalley in ay noqoto safiirka ama danjiraha Soomaaliya ee dalka India.

Qoraal Jaaliyadda ay soo saartay ayaa u dhignaa sidan :

"Waa ognahay in xilka uu yahay meerto hase yeeshee Reer Switzerland waxaa ku weynaa oo ay jeclaayeen in aad la joogto balse taasi ma noqon oo waxaa noo diidey nasiibka". Sidaa waxaa yiri Jaaliyada Somaaliyeed ee dalka Switzerland.

Waxaa ay sheegeen in aysan iloobi doonin wax-qabadkii Danjire Faduma Insaaniye maadaama mudadii safiirka ay ahayd ay hagaajisey xiriirka laba geesoodka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Switzerland, xiriirka bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Switzerland iyo xiriirka hayadaha Qaramada Midoobey iyo dalkeena.

Danjire Faduma Insaaniye waxuu dadaalkeeda u soo hoyey Soomaaliya in ee marki ugu horeysey ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo Ururka Ganacsiga Aduunka oo aan ka noqoney “Observer” kuna socona in aan noqa xubin joogto ah. waxaa ay kaloo xiriir toos ah ugu sameysey dalka Ururada Caalamiga ah oo xaruntooda ku taala Geneva.

Mustaf Bashiir Goobdoon oo ku hadlaya magaca Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Switzerland ayaa u mahad celiyey Danjire Faduma Insaaniye oo uu sheegey in aysan marnaba iloobi doonin waayo waxaa uu sheegey in ay ahayd Danjirihii ugu fiicnaa ee soo mara bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland isagoo sheegey in ay muujisey in si joogto ah uga warqabto dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Ugu dambeyn, Mustaf waxuu ugu ham-baleeyey magacaabista xilka Danjire-nimo ee dalka India isagoo Ilaah uga baryey in uu la garab galo xilkaas uguna rajeeyey in sidii ay ugu adeegtey reer Switzerland in ay ugu adeegto Jaaliyada Soomaaliya ee dalka India.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku badashay dhawaan safiirradii u kala joogay dalalka Switzerland iyo India Faadumo Cabdullaahi Maxamuud Insaaniya iyo Abyan Maxamed Saalax.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]