Axad, April, 28, 2019 (HOL)– Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir.
newsinside Gaar ahaan howlgalka ayaa laga sameeyay xaafaddaha Dabakaayo Madow, Xoosh, Suuq Boocle, iyo kuwo kale, iyagoona guri guri u baarayay.
Goobjoogayaal ku sugan degmada sheegay in baaritaanadaasi ay Ciidamadu xalay ku soo qabteen dhalin-yaro badan qaarkood laga soo saaray xili habeenimo ah hoygii ay degenaayeen.
Ciidamada ayaa goob fagaaraa iskugu keenay dhalin- yaradaasi iyaga oo su’aalo weydiinayay.
Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa ay ciidamada amaanku ka sameynayeen degmooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho howlgalo baaritaano ah, iyaga oo ku soo qab qabtay dhalinyaro ay sheegeen in looga shakisanyahay falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]