4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2019
Bayaan ka soo baxay shir magaalada Nairobi ugu soo dhamaaday siyaasiyiin iyo xisbiyada mucaaradka

 

Isniin, April, 22, 2019 (HOL) – Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhamaaday shir ay halkaa ku lahaayeen siyaasiyiin iyo qaar ka mid xisbiyada mucaaradka dalka.

Xildhibaanada ka tirsan Labada Aqal, Siyaasiyinta, Madaxda Xisbiyada Ileys iyo Wadajir ayaa waxaa ay shirkooda ka soo saareen Bayaan ka kooban dhowr qodob,kuwaas oo intooda badan eedeyn loogu jeediyey Mas’uuliyiin ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

Siyaasiyiinta shirka ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur , Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee  Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur Sheekh Maxamed  oo warbaahinta u aqriyay bayaanka shirka.

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]