4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2019
Qarax gaari lagu soo xiray oo ka dhacay Muqdisho

 

Isniin, April, 22, 2019 (HOL) – Qarax gaar lagu soo xiray ayaa goor dhaw ka dhacay Waddada Tarbuunka ee degmada Hodan sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Gaariga Qaraxa lagu soo xiray ayaa waxaa la sheegay in uu ka badbaaday qofkii watay, hasse ahaatee waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo shacab ahaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tagay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaa oo halkaa ka bilaabay baaritaanno la xiriira qaraxa.

Qarax-yada gawaarida lagu dhejiyo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay aad ugu soo badanayeen magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]