4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2019
Kulan Aqoon Isweydaarsi ah oo u socda guddiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Puntland

 

Isniin, April, 22, 2019 (HOL) -Magaalada Muqdisho waxaa shir uga socdaa xubno ka socda guddiyada ah joogtada ah ee Golaha Shacabka iyo Guddiga joogtada Golaha Wakiilada Puntland oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ah mid Aqoon iyo Waayo- aragnimo iswaydaarsi guddiga joogtada Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ah, iyada oo shalay kulan horudhac ah uu ka dhacay maagalada Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo shir noocaan oo kale ah uu dhexmaro Guddiyada joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Wakiilada Puntland oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo u joogay magaalada Muqdisho.

Maamul gobolleedka Puntland ayaa ah kan ugu faca-weyn guud ahaan mar kale eego maamul gobolleedyada qeybta ka ah nidaamka federaalka Soomaaliya, waxaana horay kulamo noocaan oo kale ah ay uga dhaceen magaalada Garoowe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]