4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2019
Somaliland:Xawaaraha gaadiidka oo la xadidayo si loo yareeyo shilalka Baabuurta

Isniin, Apriil, 22,   2019  (HOL)- Wasiirka gaadiidka iyo jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor CIsmaan ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay doonayaan inay ku yareeayan shilalka soo noqnoqday ee maalin walba ka dhaca.

Wasiirku waxa uu sheegay inay dalka keenayaan qalab lagu ilaalin doonno gaadiidka xawaaraha ku socdaan oo loo xadidi doono, isagoo sheegay in gaadiidka dadweynaha aanu ka badin Karin 80km/h,halka booyadaha oo kuwo shilalka badan sababa xawaaraha socodkooda laga dhigi doonno 60km/h, kuwo jaadkan laga dhigi doonno 100km/h in aanay dhaafin.

“waxaanu wadna qalab xadidi doono xawaaraha baabuurtu ku socdaan oo aanu gaadiid walba xawaare gaar ah oo uu ku socon karo u samaynay, tusaale ahaaan gaadiidka rakaabku raaco waa in aanu 80km/h ka badan, gaadiidka booyadaha aanu ka badan lixdan kiilomitir saacadiiba, gaadiidka jaadkan boqol kiilomitir saacadiiba aanu ka badin.”ayuu yidhi wasiir Abokor.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay u dhamaatay shirkadihii magaalooyinka ka hawlgali lahaa ee baadhi lahaaa gaadiidka tayadiisa, waxaanu yidhi “waxa bilihii ud ambeeyey naga dhamaaday shirkadihii Somaliland u qaban lahaa adeega tayadda gaadiidka, waxaanu waxaas oo talaabo qaadayna sidii aanu u dhimi lahayn shilalka gaadiidka, waxaanu hore u adkaynay liisamadii.”.

Shilalka gaadiidka ayaa ku soo badanaya Somaliland, waxaana lixdii bilood u dambeeyey lagu sheegay inay shilalkaasi gaadiidku u geeriyooday in ka badan boqol qof.

 
Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.