4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2019
AMISOM oo jawaab ka bixisay sawirro dad badan ka careysiiyay oo ka soo muuqday baraha bulshada

 

Isniin, April, 22, 2019 (HOL) – Taliska howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa jawaab ka bixiyay sawir dad badan ka careysiiyay oo 24kii saac ee la soo dhaafay hadal heyntiisu ku badneyd baraha bulshada.

Sawirka ayaa waxaa ka soo dhax muuqday sarkaal ka tirsan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM oo cabiraya qof dumar ah oo Soomaali ah islamarkaana sidata xijaab, taasoo dad badan ay u arkeen in qofka wax cabiraya uu yahay Lab [ Nin] hasse ahaatee AMISOM ayaa sheegtay in qofka cabirka ka qaadaya gabadha Soomaaliyeed tahay haweeneey ka tirsan saraakiisha AMISOM kana soo jeeda dalka Zimbabwe.

Aragtiyada laga dhiibtay sawirka oo ku baahay baraha bulshada ayeey dadku siweyn ugu kala qeybsameen, iyadoo qaarkood ay ku doodeen in ay tahay arin xad-gudubna ku ah Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalida in Askari ka tirsan AMISOM uu taabto jirka qof Dumar ah oo Soomaaliyeed, iyaga u arkayay qofka sawirka ka dhax muuqda in uu yahay Lab [Nin]

Dadka qaar oo markiiba gartay in ay tahay qof dumar ah sarkaalka AMISOM ayaa aragidooda ku saleeyay in marka hore ay haboon tahay in wax la hubsado.

 

Laakiin sawirrada markii danbe ay soo bandhigeen taliska AMISOM ayeey dad badan ku xaqiisadeen in qofka cabirka ka qaadaya gabadha Soomaaliyeed tahay haweeneey ka tirsan AMISOM.

“Qofka Booliiska AMISOM ka tirsan ee cabirka ka qaaday gabadha Soomaaliyeed waa sarkaal dumar ah oo ka tirsan kooxda Booliska Zimbabwe ka socda, AMISOM waxay tixgalisaa, illaalisaana dhaqanka Soomaaliyeed, waligeedna uma xilsaarto sarkaal Rag ah in uu taabto haween Somaali ah” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo la soo dhigay bogga AMISOM ku leedahay Twitterka.

Saraakiisha Booliiska AMISOM isugu jira rag iyo dumar ayaa u muuqda kuwo hadba si gaar ah ula shaqeeya cidda ay quseyso , iyadoo saraakiisha dumarka mar walba la macaamilaan haweenka Soomaaliyeed xiliyada lagu jiro tababarka ciidannimo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]