3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2019
Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo xalay laga sameeyay qeybo ka mid ah Muqdisho

 

Isniin, April, 22, 2019 (HOL) –Ciidamada dowladda Soomaliya ayaa xalay howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir iyaga oo howlgalkaa ku soo qab qabtay tiro dad ah.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay guri guri u baarayeen dhamaan xaafadaha ay howlgalada ka sameeyeen, waxana inta ay wadeen baritanadooda lasheegay in ay ku soo qabteen dhalinyaro badan oo ka mid ahaa dadkii daganaa xaafadahaasi.

Dadkii la soo qabtay ayeey askartu iskugu keeneen meel fagare ah iyagoo sii daayay qaar ka mid ah halka kuwa kalana ay kaxaysteen ciidamada.

Howlgalkan oo maalmihii ugu danbeeyayba ka soconayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayeey saraaakiisha ciidamada dowladdu ku sheegeen kuwo Amniga magaalada lagu sugayo.’

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
4/22/2019 4:14 PM EST
Isniin, April, 22, 2019 (HOL)–Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhamaaday shir ay halkaa ku lahaayeen siyaasiyiin iyo qaar ka mid xisbiyada mucaaradka dalka.

4/22/2019 1:10 PM EST
Isniin, April, 22, 2019 (HOL) – Taliska howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa jawaab ka bixiyay sawir dad badan ka careysiiyay oo 24kii saac ee la soo dhaafay hadal heyntiisu ku badneyd baraha bulshada.

4/22/2019 11:54 AM EST
Isniin, April, 22, 2019 (HOL) – Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun ku riday sarkaal ka tirsan wasaaradda maaliyadda oo lagu helay eedeymo musuq maasuq.

4/22/2019 11:39 AM EST
Isniin, April, 22, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.

4/22/2019 11:33 AM EST
Isniin, Apriil, 22, 2019 (HOL)- Wasiirka gaadiidka iyo jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor CIsmaan ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay doonayaan inay ku yareeayan shilalka soo noqnoqday ee maalin walba ka dhaca.

4/22/2019 8:40 AM EST
Tartankii Ciyaaraha Kubadda Cagta ah oo uga socday Magaaladda Columbus ee Gobolka Ohio Soomaalida Maraykanka & Canada ayaa shalay lasoo gabagabeeyey tartankan oo la qabto sanad kasta hadeer oo kale ayaa sanadkaan ahaa kii 19aad soona bilowday 17 bishaan April ayaa shalay la soo gabagabyey

4/22/2019 4:18 AM EST
Isniin, April, 22, 2019 (HOL)-Qarax gaar lagu soo xiray ayaa goor dhaw ka dhacay Waddada Tarbuunka ee degmada Hodan sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

4/22/2019 4:09 AM EST
Isniin, April, 22, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay khudbad ka hor jeedinayay shirka magaalada Muqdisho uga furmay culima’udiinka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladdiisu xiligan wajeyso dhaqaale xumo baahsan.

4/22/2019 12:49 AM EST
Isniin, April, 22, 2019 (HOL) – Ugu ayaraan 17 ruux ayaa ku dhimatay dhul ku go'ay koonfurta-galbeed ee Colombia Axaddii, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

4/22/2019 12:34 AM EST
Isniin, April, 22, 2019 (HOL)-Magaalada Muqdisho waxaa shir uga socdaa xubno ka socda guddoomiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka iyo Guddiga joogtada Golaha Wakiilada Puntland oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.