4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2018
Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya oo gaaray Kismaayo


Isniin, October, 29, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa aqalka martida Jubbaland ee magaalada Kismaayo kulan kula qaatay wafdi ay hogaaminayeen Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

Wafdiga ayaa kulan ay ilbaabada u xirnaayeen la qaatay madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada, waxaana markii uu kulanka soo idlaaday ay madaxdu si wadajir ah ula hadleen warbaahinta.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay xubnahan safarka ay ku yimaadeen Kismaayo, isagoo sheegay in ay u yimaadeen arimo ay kamid yihiin dhexdhexaadinta madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo dhaqaalaha ay beesha caalamka siiso Soomaaliya.

Si gaar ah Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhexdhexaadinta labada dhinac ayna qasab ahayn in Beesha Caalamku ay noqoto cida dhexdhexaadinta samaynaysa oo ay noqon karaan Aqalka sare oo hada dadaalka qayb ka ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaya ayaa ku dhaliilay dowaldda warqadaha ku socda dowlad goboleedyada oo uu sheegay in dhammaantood aysan soo marin habka rasmiga ah ee xiriirka dowliga ah, taa badalkeedana ay soo dhigto baraha bulshada.
Waxa uu xusay in uu filayo in xal laga gaari doono khilaafka jira islamarkaana waxwalba lagu dhameyn doono is afgarad iyo isu tanaasul.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Franciso Madeira oo dhankooda goobta ka haflay ayaa sheegay in arimaha ay u yimaadeen ay ugu muhiimsantahay xal u helidda khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyagoo sheegay in sidoo kale ay booqan doonaan dhammaan dowlad goboleedyada dalka si ay u ogaadaan halka uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Waxaa mudooyinkii u danbeeyay cirka isku sii shareerayay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, ayadoo shirkii ugu danbeeyay ee madaxda dowlad goboleedyadu ay ku yeesheen Garoowe qodobadii ay kasoo saareen ay kamid ahaayeen qodobo muujinayay kala fogaanshaha labada dhinac, waxaana xigta warqad casuumaad kulan ah oo ka timid Madaxweynaha, taa oo ay madaxda dowlad goboeledyadu qaadaceen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.