4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2018
Mulkiilihii kooxda Kubadda Cagta Leicester City ee ka dhisan dalka Britain oo geeriyooday

 

Isniin, October, 29, 2018 (HOL) -Milkiilihii kooxda Leicester City  ayaa geeriyooday ka dib markii ay garoonka kubadda bannaankiisa ku  burburtay diyaaraddii qumaatiga u kacasay ee uu watay, sida ay kooxdu  xaqiijisay.

Srivaddhanaprabha oo milkiile ka ahaa Leicester tan iyo 2010 ayaa saarnaa diyaarada xilli ay isku dayayeen inay ka tagaan garoonka King Power Stadium.

Tobannaan kun oo ubaxyo iyo marooyin tacsi ah ayaa la dhigay meeshii uu shilkaasi ka dhacay.

Waxa uu goob joog u ahaa kulankii ay Leicester City barbaraha 1-1 la gashay kooxda West Ham, waxaana ay isku dayayeen inay garoonka ka tagaan nusa saac ka dib markii ay ciyaarta soo dhamaatay.

Laakiin islamarkii ay diyaarada ka dulmartay saqafka kore ee garoonka, waxaa soo wajahday cilad waxaana ay ku dhacday dhulka.

Labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha Srivaddhanaprabha oo lagu kala magacaabo Nursara Suknamai iyo Kaveporn Punpare ayaa sidoo kale ku dhintay sida ay xaqiijiyeen boliiska Leicesteshire.

Duuliyihii diyaarada Eric Swaffer ayaa isna ku dhintay si la mid ah Izabela Roza oo iyadana diyaarada saarneyd.

Warbixin ay goordhow soo saartay kooxda ayaa lagu yiri: “Anigoo ka xun islamarkaana ka qalbi jabsan ayaan xaqiijineynaa in gudoomiyaheena Vichai Srivaddhanaprabha uu ka mid ahaa dadkii ku dhaf waayay diyaaradii ku burburtay banaanka King Power Stadium.

BBC