4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2018
Ilaa 188 rakaab ah oo ku dhintay burbur diyaaradeed

 

Isniin, October, 29, 2018 (HOL) -Diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 oo ay leedahay shirkadda Lion Air oo ay saarnaayeen 188 ruux ayaa ku dhacday badda dalka Indonesia wax yar uun ka dib markii ay ka kacday magaalada caasimadda ah ee dalka Indonosea ee Jakarta.

Duulimaadkan oo lambarkiisu ahaa JT 610 ayaa ku sii jeedday Pang-kal Pinang oo ah magaalada ugu wayn jasiiraddaha Bangka Belitung.

Xiriirkii dhulka ay la samaynaysay ayaa lumay wax-yar kaddib markii ay kacdayba, wax-yar ka dibna badda ayaa laga helay, mana cadda in ay dad ka badbaadeen.

Diyaaraddan ayuu nooceedu ahaa Boeing 737 MAX 8, wayna cusbayd, “Diyaaradda ayaa badda hoos u gashay 30 ilaa 40 mitir,” sida uu wakaaladda warar-ka AFP u sheegay Yusuf Latif oo ah afhayeenka hay’adda Gurmadka, wuxuuna intaas ku daray in ay wali baadigoobayaan burburka diyaaradda.

Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamkam waa maalin Isniin ah oo ay taariikhdu tahay 29 bisha Oktoobar sannadka 2018.

Xigasho : BBC