4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2018
Dowlad Gobolleedyada : Qoraalka madaxweyne Farmaajo wuxuu carqalad ku yahay daadaallada khilaafka lagu xalinayo ee Aqalka sare

 

Isniin, October, 29, 2018 Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada Cabdullaahi Sheekh Xassan ayaa sheegay in ay u arkayaan warqada la sheegay in ay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mid lagu carqaladeynayo sida uu hadalka u dhiggay waanwaanta Aqalka Sare.

‘’Annaga ma jirto Qoraal ka soo baxay madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah noo soo gaaray, laakiin waan arkeynay warqad baraha bulshada la wareejinayo oo la leeyahay madaxweynaha ayeey ka soo baxday,xitaa haddii ay dhab tahay in warqadaasi madaxweynaha ka soo baxday waxaan u aragnaa mid lagu carqaladeynayo dadaallada Aqalka sare ee la doonayo in lagu xaliyo khilaafka jira’’ ayuu yiri afhayeenka Golaha Iskaashiga dowlad gobolleed-yada.

Mar wax laga weydiiyay waxa ay ku diidan yihiin in Muqdisho lagu shiro ayuu yiri’’ Dabcan haddii Muqdisho lagu shirayo iyo haddii Marka lagu shirayo intaba waxa aan ka sugeyno waa aqalka sare, ilaa iyo haddana kama maqal waan ku guuldareysanay waanwaantii aan wadnay marka iyaga aan ka war sugno’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa xoogeystay tan iyo markii magaalada Kismaayo ay golaha iskaashiga ku yeesheen shir wadatashi ah, ilaa haddana ma jirto isku soo dhawaansho labada dhinac ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]