4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2018
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka

Isniin, October, 29, 2018 (HOL) -  Golaha wasiirrada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda ay dowladda ku shaqeynayso sanadka 2019-ka, kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Miisaaniyadda ay ansixiyeen golaha wasiirrada ee sanadka 2019-ka ayaa dhan US$ 340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal doollar).

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya,Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in kulanka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda, Xasan Cali Khayre si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda oo ka badan Miisaaniyaddii sannadkii hore oo ahayd 274.6 Milyan.

Wasiirka ayaa sheegay  in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyadda loo qorsheeyay 2019 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

"Waxa aan ku faraxsanahay in golaha wasiirradu ay ansixiyaan miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019. Miisaaniyaddennu waxa ay gaartay $340 Milyan. Horumarkani waa natiijadii ka dhalatay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xukuumadda ayaa miisaaniyadda ay maanta ansixisay u gudbinaysaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya si uu u meel mariyo.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) ka filaysa gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa deeqaha dawladda la siiyo,sida ay baahisay wakaaladda wararka u faafisa dowladda ee SONNA.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]