4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2018
''Labadii isbuuc ee aan joogay Muqdisho waxaan kala kulmay waxaanan fileyn''

Isniin, October, 29, 2018 (HOL) -  Koox ka socotay qurba joogta Soomaalida ee Yurub ayaa in ka badan Isbuuc ku sugnaa Muqdisho, waxayna la ciyaareen qaar ka mid ah kooxaha heerka koobaad ee kubadda cagta, xalay ayeyna kulankoodii ugu dambeeyay la yeesheen kooxda Horseed.

Qaar ka mid ah dhallinyaradan weligood maysan arkin Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, sidoo kalena qaban qaabiyayaasha qaarkood ayaa dalka ka maqnaa ku dhowaad 30 sano.

Waxay u yimaadeen inay arkaan Muqdisho kuna soo bandhigaan xirfadooda kubadda cagta. Kullankoooda ugu dambeeyey waxay fooda ku dareen mid ka mid ah kooxaha ugu adag Soomaaliya.

Ka hor intaysan dalka imaan waxay qabeen shaki ah in dhibaatada amni xumada ay tahay mid aad u daran una suuragelinkarin in ay kubad ciyaaraan. Balse xilli habeen ay ayay ku ciyaareen garoonka Stadio Banadir.

Laakiin, sidii ay filayeen ma ahan, sababtoo ah laacibiin badan oo ay soo kexeysan lahaayeen ayay waalidiintooda u diideen in ay Muqdisho soo aadaan. Cabdi Axmed Cabdulle, Wuxuu ka mid yahay dadka hoggaaminaya kooxdan qurba joogta oo Soomaaliya ay ugu dambeysay ku dhowaad 30 sano ka hor.


''Qurba joogta Soomaaliya waxay ka aaminsan yihiin inay dhibaato badan ka jirto, in uu qaxar ka jiro, inay dhimasho joogta ah taallo, laacibiin badan ayey waalidiintooda noo diideen inaan soo kaxaynno, dhib badan ayaan xitaa u maray inaan kuwan soo wadno'' ayuu yiri Cabdi Axmed Cabdulle.

Iyadoo taasi ay jirto, haddana kuwo badan ayaa ku soo dhiiranaya in ay mar uun ay soo caga dhigtaan magaalada Muqdisho.

Waa kooxdii labaad ee Qurba joog ah ee timaada Caasimadda. Sannadkii hore ayaa waxaa timid koox Soomaali ah oo ka socotay Australia. Xasan Aadan Xaaji Yabarow, madaxa xiriirka kubadda cagta ee gobolka Banaadir ayaa BBC u sharraxay waxa dhallinta soo jiitay.

''Waxay arkeen in dalka Soomaaliya uu horumar gaaray, dhallinyarada qurbaha ku nool xiriir ayeey nala soo sameeyaan, gaar ahaan wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha, anagana aad ayaan u soo dhaweyneeyna in ay dalka ay dib u yimaadaan''.

Inkastoo ciyaartoodii ugu dambeysay looga badiyay 4-1, haddana hammigooda oo sarreeya ayey ka ambabaxayaan Soomaaliya. Xasan Cabdinuur, weligii Soomaaliya ma imaan, waana kabtanka kooxda Qurba Joogta.

''Qurbaha markaad joogtid waxaad maqleysaa qarax ayaa muqdisho ka dhacay iyo dagaal ayaa ka dhacay, laakin labadii isbuuc ee aan joogay waxaan kala kulmay walaaltinimo ay kalgacayl, aad ayaana ugu faraxsanahay inaan Muqdisho imid'' ayuu yiri.

Intii ay ciyaartu socotay, Heesaha iyo madalaada garoonka kama marnayn si dhallinta loogu muujiyo amniga caasimadda Soomaaliya. Muqdisho ayaana muujisay in ay ku dhex nool yihiin laacibiin badan oo leh xirfadda kubadda cagta oo si xarago leh uga badin kara qurba joogta.

Xigasho: BBC