
Isniin, October, 29, 2018 (HOL) - Ugu yaraan soddon gaadiid kuwa xamuulka qaada ah ayaa tan iyo subixii hore ee Isniinta maanta ku xaniban kaantaroolka magaalada Garoowe ,sida uu ku soo warramayo wariyaha Hiiraan Online ee Garoowe.
newsinsideDarawalada gaadiidka oo la hadlay HOL, ayaa sheegay in ay ka cabanayaan lacago canshuur ah oo la kordhiyay,lacagta laga qaadi jiray darawalada ayay sheegeen in ay ahayd 200 oo kun oo shilin Soomaali ah oo ,taas oo ahayd horumarita degmada raallina ay ku ahaayeen, balse maamulka degmada Garoowe lacataas ay ku dareen 300 oo kun oo shilin Soomaali ah.
"Markii hore annagoon awood u lahayn ayaan aqbalnay,maaddaama lacag horumarin deegaanka ah ay tahay, hadda oo la siyaadiyay ma aha waxaan awoodno." ayuu yiri Maxamuud Cumar Dheere , oo ka mid ah darawalada gaadiidka xamuulka ee ku xaniban kaantaroolka Garoowe.
Maamulka dowlada hoose ee magaalada Garoowe iyo hay'adaha kale ee ay quseyso kama aysan hadlin cabashada gaadiidka xamuulka ee saacadaha badan ku xaniban magaalada Garoowe.