4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2018
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in xasuus qaran loo samaynayo Muwaadiniintii lagu dilay weerarkii 14-kii October 2017

Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)–  Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii 14-ka bishii  October ee sannadkii 2017 lala eegtay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Xunbaha golaha wasiirrada ayaa fallanqayn kaddib waxa ay isku raaceen in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas , iyo in la caawiyo dadkii ku dhaawacmay, eheladii dadkii wax ku noqday iyo dadkii ku hanti beelay.

Kulankaan oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) ayaa sidoo kale looga dooday in maalinta 14-0ctober loo aqoonsado maalin qaran oo lagu xasuusto dhammaan dadka ku dhibaatoobay qaraxyada kala duwan ee dalka ka dhacay.

Weerarka 14-ka October, waxaa la aaminsanyahay dad ka badan 500 oo ruux inay ku geeryoodeen,iyadoo boqollaal kalana ay ku dhaawacmeen, halka tiro kale ay ku hanti beeleen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]