Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Shir ay golaha
wasiirada XFS ay maanta Muqdisho ku yeesheen ayaa looga dooday dardar-gelinta
barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyo wadooyinka si
loo soo nooleeyo bilicda dalka iyo haybadda qarannimo.
Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,
mudane Cabdullaahi Maxamuud Xaamud oo ka war bixiyay qodobadii shirka looga
hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku hawlanyihiin bixinta qayb
kamid ah hantidooda si ay uga qayb qaataan fulinta dhammaaan qorshayaasha lagu
xusay Barnaamijka is-xilqaan, loogana maarmo kaalmo shisheeye.
Wasiir Xaamud ayaa sheegay in gacanta lagu hayo
laba milyan oo dollar oo ay bixiyeen mawaadiniin Soomaaliyeed, laguna
billaabayo dhismaha Madxafka oo todobaadka soo socda dhismihiisa uu dhagax
dhigayo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) .
Dawladda Soomaaliya oo dardar-gelinaysa soo
kabashada dawladnimada, adkaynta midnimada iyo kou u qaadidda karaamada ummadda
Soomaaliyeed ayaa Barnaamijka Is-xilqaan ugu tala gashay in lagu dhiso dhammaan
xarumaha danta guud iyada oo la adeegsanayo hantida, waqtiga iyo quwadda
ummadda Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]