4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2018
Toogasha ka dhacday magaalada Boosaaso

Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)–  Dablay hubeysan ayaa weerar ka geystay suuqa bartamaha ee magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen booliska.

Weerarka waxaa ku dhintey askari ka tirsan ciidanka dowladda hoose ee magaalada Boosaaso, waxaana markiiba goobta ka baxsaday kooxda toogashada fulisay.

"Waa lagu daba jira kooxda dilka geysatay." ayuu yiri sarkaal boolis ah oo la hadlay Hiiraan Online.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarka.

Weerarrada noocan ah ayaa muddooyinkii dambe ku soo batey magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso,iyadoo howlgallana ay fulinayaan ciidamadda amniga Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]