10/22/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2018
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee lagu kordhinayo dekadda Berbera



Khamiis, Octobar 11,  2018  (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dhagax dhigay dhismaha cusub ee ballaadhinta dekedda iyo Free Zone-ka Berbera.

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay xaflaadaasi dhagax-dhigga ah ayaa waxa ka soo qaybgallay Wasiiro, Xildhibaano, Madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale ka timid dalalka jaarka iyo waddo kale oo lagu soo casuumay munaasibadaasi.

Maareeyaha dekeda berbera Siciid Xasan Cabdilaahi oo munaasibadaasi furay ayaa ka xog waramay halka ay marayso shaqada ballaadhinta dekedu iyo guud ahaan horumarka ay ku talaabsatay dekeda berbera.

Agaasimaha Maamulka iyo qorshaynta shirkadda DP WORLD Sheekh Cadnaan Al-cabaad ayaa sheegay in DP WORLD wax-qabad la taaban karro ay ka fulisay Dekeda weyn ee Berbera iyo guud ahaan gobolka saaxil, waxa uu sheegay agaasimuhu in DP WORLD aanay ku mashquulsanayn kaliya Dekeda balse ay qayb laxaadleh ka qaadanayaan adeegyada gaarka ah ee bulshada gaar ahaan waxbarshada, biyaha iyo caafimaadka oo uu sheegay inay door muuqata ka qaataan horumatintooda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo khudbad dheer ka jeediyey madasha ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland dadaal dheer ugu jirto sidii Somaliland loo maal-gashan lahaa, islamarkaana waxa uu ugu baaqay guud ahaan bulshada reer Somaliland inay si weyn usoo dhaweeyaan cid kasta oo dalkani maal-gashanaysa.

"Maanta waa maalin qiimo leh, aad baan ugu faraxsanahay in hawshan weyn aynu bilawno, xukuumadu dadaal ayay ugu jirtaa sidii aynu u heli lahayn cid dalkeena maal-gashi ku samaysa, maanta waxaanu halkana u joognaa ballaadhintii dekedda, aad baan ugu mahadcelinayaa shirkadda DP WORLD, waxaan rajaynayaa in dekeda iyo madaarkuba bilaw wanaagsan u noqon doonaan horumarka Somaliland, waxaan ugu baaqayaa guud ahaan bulshada reer Somaliland gaar ahaana bulshada reer Saaxil inay la shaqeeyaan soona dhaweeyaan cid kasta oo dalkani maal-gashanaysa"ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Dekadda Berbera ayaa afar boqol oo mitir lagu kordhinayaa, waxaana weftigan imaaraadka la socday shirkaddii dhisaysay ee qandaraaska lagu siiyey inay balaadhiso dekadda.
 
Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.






Click here
10/11/2018 2:40 PM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii 14-ka bishii October ee sannadkii 2017 lala eegtay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho

10/11/2018 12:26 PM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Shir ay golaha wasiirada XFS ay maanta Muqdisho ku yeesheen ayaa looga dooday dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyo wadooyinka si loo soo nooleeyo bilicda dalka iyo haybadda qarannimo.

10/11/2018 7:04 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Shirkii dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo ka socday saddex maalin magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa la soo gabagabeeyay,iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.

10/11/2018 6:51 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Dablay hubeysan ayaa weerar ka geystay suuqa bartamaha ee magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen booliska.

10/11/2018 6:26 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Taajirka ugu da'yar Afrika ayaa niman wajiga duuban, waxaa ay ka afduubteen hoteel ku yaalla magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

10/11/2018 4:55 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya,Maxamed Xayir Maareeye oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay xukuumadda Ankara inay dooneyso siddii wax soo saarka Soomaaliya loogu iibgeyn lahaa suuqyada Turkiga,kaddib kulan gaar ah oo u la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga.

10/11/2018 4:33 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacmay weerar khasaare dhaliyay lagu qaaday xalay fiidkii guriga guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay oo ku yaal magaalada Baydhabo,sida ay saraakiishu sheegeen.

10/11/2018 4:13 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa dib xoriyaddooda ugu celisay saddex dhallinyaro ah oo lagu soo xirey howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan dowladda ay fuliyeen beerta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aaden Cabdulle Cismaan oo ku taalla degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

10/11/2018 3:40 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khaye oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

10/11/2018 3:23 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Shir dib loogu eegayay dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo saddex maalin ka socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta la filayaa in la soo gabagabeeyo.

10/11/2018 3:03 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Boqollaal askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa Arbacadii socod ku tagay xafiiska Ra'iisul wasaaraha dalkaas ee magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayagoo dalbanaya in mushahaarka loo kordhiyo,sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

10/11/2018 1:36 AM EST
Khamiis October, 11, 2018 (HOL)– Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalintii Saddexaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudiga, isaga oo kulamo kala duwan halkaa kula leh madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ka mid yahay Boqor, Salmaan binu Cabdulcasiis.

10/11/2018 1:04 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Qoraal la soo dhiggay Bogga Twitter-ka hay’adda Sirdoonka iyo nabad-sugida dowladda Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo laga sameeyay garoonka Aadan Cadde lagu soo qabtay shabakad isku xiran oo ka shaqeysata sameynta dollar-ka.