3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2018
Khayre Oo La Kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga

Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)–  Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khaye oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Khayre iyo Mohammed bin Salman ayaa la sheegay inay ka wada-hadleen danaha labada qaran,kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ee laga maamullo dalka Sacuudiga.

"Ra'iisul wasaare Khayre wuxuu ka mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed." ayaa lugu yiri qoraal uu baahiyay xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman bin Abdulaziz ayaa dhankiisa boggaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed,sida uu xafiisku xaqiijiyay.

Arbacadii wuxuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee saameynta ku leh Soomaaliya, dalka ayaa sidoo kale taageerro kala duwan siiya dowladda Soomaaliya, balse labada dal ayaa isku diidday go'aanka dalalka khaliijka uu xiriirka ugu jaray Qatar,wixii marka ka dambeeyay waxaa la sheegay in Sacuudiga uu hoos u dhigay taageerrada uu siin jirey Soomaaliya, iyadoon aysan kala caddeyn wali sida ay arrinta wax uga badali karaan kulamadan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/11/2018 2:40 PM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii 14-ka bishii October ee sannadkii 2017 lala eegtay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho

10/11/2018 12:26 PM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Shir ay golaha wasiirada XFS ay maanta Muqdisho ku yeesheen ayaa looga dooday dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyo wadooyinka si loo soo nooleeyo bilicda dalka iyo haybadda qarannimo.

10/11/2018 7:04 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Shirkii dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo ka socday saddex maalin magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa la soo gabagabeeyay,iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.

10/11/2018 6:51 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Dablay hubeysan ayaa weerar ka geystay suuqa bartamaha ee magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen booliska.

10/11/2018 6:26 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Taajirka ugu da'yar Afrika ayaa niman wajiga duuban, waxaa ay ka afduubteen hoteel ku yaalla magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

10/11/2018 4:55 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya,Maxamed Xayir Maareeye oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay xukuumadda Ankara inay dooneyso siddii wax soo saarka Soomaaliya loogu iibgeyn lahaa suuqyada Turkiga,kaddib kulan gaar ah oo u la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga.

10/11/2018 4:38 AM EST
Khamiis, Octobar 11, 2018 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dhagax dhigay dhismaha cusub ee ballaadhinta dekedda iyo Free Zone-ka Berbera.

10/11/2018 4:33 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacmay weerar khasaare dhaliyay lagu qaaday xalay fiidkii guriga guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay oo ku yaal magaalada Baydhabo,sida ay saraakiishu sheegeen.

10/11/2018 4:13 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa dib xoriyaddooda ugu celisay saddex dhallinyaro ah oo lagu soo xirey howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan dowladda ay fuliyeen beerta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aaden Cabdulle Cismaan oo ku taalla degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

10/11/2018 3:23 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Shir dib loogu eegayay dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo saddex maalin ka socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta la filayaa in la soo gabagabeeyo.

10/11/2018 3:03 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Boqollaal askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa Arbacadii socod ku tagay xafiiska Ra'iisul wasaaraha dalkaas ee magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayagoo dalbanaya in mushahaarka loo kordhiyo,sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

10/11/2018 1:36 AM EST
Khamiis October, 11, 2018 (HOL)– Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalintii Saddexaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudiga, isaga oo kulamo kala duwan halkaa kula leh madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ka mid yahay Boqor, Salmaan binu Cabdulcasiis.

10/11/2018 1:04 AM EST
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Qoraal la soo dhiggay Bogga Twitter-ka hay’adda Sirdoonka iyo nabad-sugida dowladda Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo laga sameeyay garoonka Aadan Cadde lagu soo qabtay shabakad isku xiran oo ka shaqeysata sameynta dollar-ka.